Waxqabadka ololaha dib usoo celinta bilicda Caasimada ee doorka Dhalinyarada gobolka Benadir

Gudoomiyaha dhalinyarada dhalinyarada gobolka Benadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaan maanta furey Wajiga 1aad ee dib usoo nooleynta bilicda Caasimada ee doorka dhalinyarada gobolka Benaadir oo maanta si wadajir ah uga bilaabmay bartamaha laamiga kala qeybiya degmooyinka Kaaraan iyo Cabdiasiis.

Ujeedka ayaa waxa uu ahaa in dhamaaan la qurxiyo, dibna loogu soo celiyo quruxdii iyo bilicdii beri samaadka ay caasimadu laheyd, dhalinyarada gobolka Benadir ayaa heegan ugu jirta, uguna diyaarsan inay kaalintooda ka qataaan dib usoo nooleynta bilicda caasimada, shaqadaan oo ah shaqo qaran waxaa si wadajir ah maanta ugu qeyb qaatey dhalinyarada degmooyinka sida Cabdiasiis iyo shibis, eyadoonta inta dhiman ay ka qeyb qaadan doonaan qeybaha kale ee dhalinyarada gobolka Benadir.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Benadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa dhalinyarada ugu mahad-celiyay juhdiga iyo dadaalka ay usoo bixiyeen inay kaalin muuqata ka qaataan bernaamijkaan oo dib loogu soo nooleenayo bilicda Caasimadda ee Mogadisho, qeybaha kale ee dhalinyaradana ugu dardaarmay inay issa soo xilqaamaan kaalintoodana ay ka qaataan bernaamijkaan oo ay hogaaaminayaan dhalinyarada gobolka Benadir.

#BaladNadiifahIyoBulshoNabadAh