Gudoomiyaha dhalinyarda G/ Banadir oo Shir gudoomiyey kulankii isbuuclaha ahaa ee dhalinyarada Gobolka Benadir

Gudoomiyaha dhalinyarda gobolka banaadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa
Maanta shir gudoomiyay Kulanka isbuuclaha ahaa ee shirka gudoomiyaasha dhalinyarada degmooyinka gobolka banaadir oo markiisii 2aad lagu qabto haab online ah, iyadoo ay jirto la dagaalanka caqabadaha xanuun ka #Covid_19.

Waxa shirka diirada lagu saarey qaabkii lagu xoojin lahaa ama lagula dagaalami lahaa caabuqa sida weyn usaameeyay dhamaan dunida ee Covid19 , waxaa la qorsheeyay in dhalinyarada ay ka shaqeyso wacyi-galinta bulshada eyadoona dhalinyarada ay tagayaan goobaha dadku isugu yimaadaan si looga hortago fafitaanka caabuqa covid19.