SHIRWEYNE DHEXMARAY DHALINYARADA G.BANAADIR IYO URURADA KAHAWLGALA CAASIMADDA DALkA E MUQDISHO

SHIRWEYNE DHEXMARAY DHALINYARADA G.BANAADIR IYO URURADA KAHAWLGALA CAASIMADDA DALkA E MUQDISHO
Kulan ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarda G/Banaadir kaasoo looga arinsanayay adkeynta xiriirka Dhalinyarada Gobola iyo ururada magaalda kahawlgala
Shirka oo ka dhacay xarunta ururka uu kuleeyahay dhismaha Guriga Hooyooyinka waxa ugu horreyn daah furay Gudoomiyaha Dhallinyarda Gobolka Banadir Mudane A/kafi Makaraan oo ururada soo dhaweyn kadib kubooriyay soo bandhigidda fikradahooda si loo helo iskuxir joogta ah oo labada dhinac ah waxa uuna Gudoomiye Makaraan u ballanqaaday madaxda1

2

3

4 ururada asoo qaybgalay shirweynahaas inuu adkeynaayo xiriira lana tixgelinaayo fikirkooda.
‘’Xilligan wa waqtigii la dhageysanlaha codkiina’’ ayuu yiri Mudane makaraan oo hadalkiisa sii wata.
Waxa Sidoo kale goobta kahadlay gudoomiyaha Jamciyadda horumarinta Dhallinyarada Soomaaliyeed SOYAD mudane Khaalid Cilmi oo uga mahadceliyay Gudoomiye makaraan casumaadiisa isagoona dhallinta kubooriyay inay a faa’ideystaan fursadda uga bannaan Maamulka dhalinyarada gobolka ee ku aaddan taageerada.
Waxaana sido kale ammaan dusha ka huwiyay ururka dhalinyarada Gobola mudane ismaaciil cusman oo ah afhayeenka dallada USYU oo sheegay inay dhankooda diyaar yihiin lashaqeynta dhalinyarada gobolka banaadir.
Dhanka kale marwo zaynab maxamuud oo ah madaxa xiriira jamciyada SOYAD aya iyana kacodsatay dhalinyarda gobolka inay joogteeyaan shirarka nuucan oo kale ah.
Shirkan oo aha mid loogu gogol xaarayay shirarka soo socda e lagu adkeenayo iska warqabka maamulka gobolka iyo dhalinyarada caasimadda aya ku dhamaDay jawi dagan.
Waxaana ugu danbeyn soo gunaanaday kulanka Mudane Makaraan Gudoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir isagoona uga mahadceliyay dhalinyarada sida ay uga go’antahay la shaqeynta maamulka gobola isagoona ballan qaaday in uu codKooda gaarsiin doono ila heer gobol waxa uuna sidoo kale usameeyay hab qorshe kaaso si bille ah loogu kulmi doono layskuna waydaarsan doono urur walba iyo habka uu u hawlgalaayo.