Tababar lagu Baranayay Xog aruurin Ganacsi oo labaray 30 Dhalinyaro oo ka dhacay Degmada X/ Jajab

Tababarkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyaya Maamulka Dowladda Hoose ee Xamar iyadoo uu ujeedkiisu ahaa in loo tababaro habka arurinta Xogta Ganacsi dhalinyaro ka kala imaanaysa degmooyinka Xamar Jajab. Wabari, Shangaani iyo Xamar weyne, Waxa uuna ka mid yahay Mashruuca Horumarinta dhaqaalah Deegaanka Xama

Tababarka ayaa waxaa ka qeebgalay Mas’uuliyiin ka kala socotay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Degmooyinka kala duwan waxaana ka mid haa Gudoomiyaha Maamulka Degmada Xamar Jajab iyo ku xigeenadiisa, Wakiilka Mashruuca Horumarinta Dhaqaalah Deeganka Xamar, Agaasimah Canshuuraha Dowladda Hoose, Madaxa Tababarada D/Hoose, Guddomiyaha Ururka Dhalinyaraada G/Banaadir iyo Dhalinyaradii ka qeebgalayaasha ahaa.

Xog aruurintaan ayaa ka bilaaba doonto goor dhaw Degmooyinka Afarta ah ee kor kuxsan iyadoo lagu ogaan doonaa si guud Muuqaalka Ganacsi ee Afartaasi Degmo iyadoo helista xogtaasina ay ka caawin doonto D/Hoose ee Xamar in ay ogaato nuucyada iyo Xaaladaha Ganacsi ee ka jira Degmooyinkaasi taasoo iyadana fududeyn doonto in Tiro koob guud laga helo inta Ganacsi ee ku Taala Degmo waliba.

Arrurinta xogtaani ayaa ka mid mashruuca horumarinta Dhaqaalaha Deeganka Xamar oo ay Dolwaldda Hoose bahwadaag kula tahay hey’adda Shaqaalaha Caalamka (ILO) iyadoo Waqtiga dhaw laga wada fulin doono dhamman 17 ka Degmo ee G/Banaadir.

 

 

11420_1556093061296114_6085897017731878987_n

522156_1556093071296113_4677493903831914001_n (1)1795629_1556093057962781_5124974218821021303_n 1911894_1556092974629456_5921596695041553354_n 10385574_1556093031296117_6375794368122033573_n (1) 10385574_1556093031296117_6375794368122033573_n 10393972_1556092987962788_2006777858215968463_n 10868182_1556093007962786_145660606526190020_n