Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobalka Banaadir oo Xaflad Soo dhaweyn ah loogu sameeyay Magaalada Nairobi

12417986_575183129297181_8529493101475725852_n 12439142_575183165963844_4019868789325616057_n 12540730_1022371051170371_7295726440374420011_n 12552939_575182885963872_8789868742310573476_n 12565345_575183192630508_3265311122860151328_n 12565373_575183245963836_2035773291413248324_n 12573710_575183525963808_4059929403296839915_n 12631369_575183395963821_763197843130489032_n 12631406_575183322630495_5668059686413129642_n 12631476_575183585963802_3454192429921192468_n 12642646_1022370364503773_5664852672265558188_n

Xafladani oo ay soo qaban qaabiyeen ururada dhalinyarada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka kenya ayaa waxaa lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobalka banaadir Cabdikafi Maxamuud Makaraan iyo xubno kale oo howlo shaqo u yimid magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xafladan soo dhaweynta ah ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafada islii oo isugu jiray Culimaa’udiin,waxgarad ,ganacsato,ururada dhalinyarada iyo marti sharaf kale.

Bilowgii xaflada ayaa Kooxda dhaqanka ee Tayo Cultural Group waxay halkaasi ku soo bandhigeen dhaantooyin ka tarjumayo hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed,maadaama lagu jiro todobaadka xuska 43-guuradii ka soo wareegatay markii la qoray afka Soomaaliga.

Shiikh Cali Maxamuud Xasan Shiikh Cali Wajiis oo ka mid ahaa Culimaa udiinkii xaflada ka hadlay ayaa waxa uu ku amaanay Dowlada uu hogaamiye madaxweyne xasan Sheekh inay dhalinyarada Fursad u siisay inay kaalin ka qaataan horumarka iyo dib u dhiska dalka.

“Waxyaabaha lagu amaano dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa ka mid ah inay kaalintii dhalinyarada ay fureen oo soomaaliya jiilka maanta hogaamiya ay dhalinyaro u badanyihiin”Ayuu Yiri Shiikh Cali Wajiis.

Gobolka banaadir waad ogtihiin gudoomiyihii hore waxa uu abuuray gudoomiyayaal wada dhalinyaro ah wada jaamiciyiin ah iyo agaasimayal ilaa waaxda ugu hooseysa ay wada jaamici yihiin ayay gaartay maanta”Ayuu sii raaciyay Shiikh Cali Wajiis.

Munabasabada oo ay khudbado ka jeediyeen Waxgarad iyo Mas’uuliyiinta Ururada dhalinyarada ayaa dhammaan xubnihii halkaasi ka hadlay waxay si weyn dhalinyarada gobalka banaadir ugu amaaneed waxqabadkii iyo Marxaladihii adkaa oo ay ku soo shaqeeyeen, iyagoona balan qaaday inay si weyn ula shaqeyn doonaan ururka dhalinyarada gobalka banaadir.

Gadoomiyaha dhalinyarada gobalka banaadir Cabdikafi Maxamuud Makaraan oo gaba gabadii hadal ka jeediyay xaflada lagu soo dhaweynayay ayaa waxa uu ka warbixiyay Waxqabadka dhalinyarada gobalka banaadir iyo daruufihii adkaa ee ay ku soo shaqeeyeen.

Cabdi kaafi oo Arrimo dhowr ah soo hadal qaaday ayaa waxa uu Cambaareeyay Falkii dhawaan lagu Xasuuqay Dadkii ku sugnaa Maqaayada Liido,isagoona ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Dadkii ku geeriyooday,halka dadkii ku dhaawacmayna uu alle uga baryay in uu Caafimaad taam ah Siiyo.

Gudoomiyaha dhaliyarada gobalka banaadir ayaa sidoo kale waxa uu uu  ballan qaaday in ay ka shaqeyn doonaan mideynta dhalinyarada soomaaliyeed ee ku sugan daafaha Caalamka.

“Waxan doonayaa oo aan jeclahay in leyga aqbalo in la sameeyo isku xir guud oo ay yeeshaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan,aniga ayaa iska bilaabaya waxan balan qaadayaa in dhalinyarada gobolka banaadir iyo Nairobi ay mid noqdaan”Ayuu Yiri Makaraan.

Ururka Dhalinyarada Gobalka banaadir ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku howlanaa sidii isku xir ay ugu sameeyn lahaayeen ururada dhalinyarada isla markaana ay xiriir wada shaqeyn u yeelan lahaayeen dhalinyarada soomaliyeed ku dhaqan dunida dacaladeeda