U ololeynta isbadalka Dhalinyarada Somaliyeed

Muqdisho 30 05 2016

Olole socday muddo sadex cisho ah oo lagu wacyi galinayay dhallinyarada gobolka banaadir ayaa lagu soo gabogabeeyay magaalada Xarunta dhallinyarada MOSYC ee degmada Shangaani magaalada  Muqdisho. Ololahan oo ay qabanqaabadiisa iska kaashadeen ururka dhallinyarada gobolka banaadir iyo  Somali Youth Leadership Forum (SYLF) ayaa waxaa kaqeyb qaatay 600 oo dhallinyaraa oo kakala timid degmooyinka gobolka banaadir  iyo ardayda jamacadaha somaliya kaas oo diiradda lagu saarayay dhiirri galinta dhallinyarada ee sameynta isbeddel wanaagsan oo dhan walba oo nolosha ah loogana wacyi galinayo tahriibka iyo arrimaha halista galinaya nolosha dhallinyarada iyo bulshadooda.  Xafladda gabogabada oo ay marti ku ahaayeen xildhibaano katirsan BFS iyo masuuliyiin ka kala socday ururrdada bulshada, maamulka gobolka banaadir iyo marti sharaf kale ayaa waxaa si aad ah uga dhex muuqday

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Gobolka Banaadir C/kaafi  Makaraan oo isna halkaa khudbad kajeediyay ayaa u mahad noqay kasoo qeyb galayaasha shirka iyo  ururka ee iska kaashaday hirgalinta ololaha una ballanqaaday barbaarta inay u taagnaan doonaan danahooda iyo xuquuqda ay leeyihiin dhallinyaradu.

waxa ka loo ka hadlay madasha Gudomiyaha dallada bartamaha somaliya Mahamed sandhool oo ugu horeyn u mahad celiyay ururka dhalinyarada Gobolka Banaadir kana hadlay dorka ee ku leyihiin hormarka dalka dhalinyarada somaliyeed

Guddomiye ku xigeenka  dhanka amniga iyo Siyaasadda maamulka G/Banaadir Maxamed Diriye  Yabooh oo isna kalmad kajeediyay madasha ayaa dhallinta kacodsaday inay maamulka kala shaqeeyaan  amniga iyo xasilloonida si hormar loo gaaro.

Xildhibaan Mustaf Sh Cali Dhuxulow oo aad u jecel arrimaha barbaarta ayaa guubaabiyay dhallinyarada lana wadaagay ciyaarihii ay soo bandhigeen  hobollada barbaarta Muqdisho oo ayagu halkaa kadhigay bandhig heeso waddani ah oo dhallinta lagu guubaabinayo.

munaasabadda ayaa waxaa ay kusoo dhammaatay jawwi  farxad leh ayadoona mahad loo jeediyay xarunta Mogadishu One Stop Youth Center oo ayadu martigalisay munaasabaddan13308247_1720387864866632_2733457941033137759_o 13308264_1720387224866696_4687852190350139638_o 13308313_1720386774866741_1669386485196798727_o 13308493_1720387404866678_4025291442086513883_o 13316954_1720387694866649_9042244447882269170_o 13317031_1720387561533329_2824219116442881295_o 13320966_1720388234866595_6183918943697264665_o 13323188_1720388008199951_5596313292922248606_o 13323618_1720387438200008_7937232803994420586_o 13323784_1720387981533287_414322164404089637_o 13340050_1720388314866587_1694213325967650993_o 13346221_1720388231533262_6510391823911132948_o 13268467_1720388121533273_2233769922332380110_o 13304990_1720387798199972_3373559548988362502_o (1) 13301464_1720388218199930_4879065315930600514_o13350419_1720386624866756_1890872753232878907_o