Tababarka Xirfad Barista Dhalinyarada oo La Bilaabey

wareysi3   wareysi4 wareysi1

Waxaa maanta 10/October/2016 si rasmi ah loo bilaabay tababarka la siinaayo dhalinyarada, tababarkaas oo lagu baraayo xirfadaha ay ku shaqeysan karaan. Xirfadaha la baraayo dhalinyaradaas waxaa ka mid ah:

  1. Abuurista Ganacsi yar (Small scale business)
  2. Sida loogu shaqeeyo Computerka
  3. Xirfada Dhismaha/Engineering

Dhammaadka tababarkaan waxaa la filayaa inay dhalinyaradaas noqon doonaan kuwo soo saaran karo nolol maalmeedkooda ayagoo adeegsanaayo xirfadaha la baray, waxayna arrinkan qayb ka tahay dadaalada faraha badan ee Maamulka Dhalinyarada Gobolka Banaadir uu ku howlanyahay, si loo hormariyo nolosha dhalinyarada shaqo la’aanta ah ee ku nool Gobolka Banaadir.