Shir ay wada Tashi Isugu yimaadeen Ururada Dhalinyarada Gobolka Banaadir oo kas dhacay Degmada C/Casiis + Sawirro

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 17/5/2014 waxaa shir wada tashi iyo isbarasho isugu yimid 16 guddoomiye dhalinyaro shirkaas oo lagu qabtay xarunta degmada cabdicasiiis ee gobolka banaadir.

Waxaa ugu horeyntii shirkaa furay gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada cabdicasiis mudane maxamuud cabdulaahi axmed isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay kulanka maanta halkaan isugu yimid isagoo ugu mahadnaqay sida loo soo ajiibay u yeeritaanka.

Kadib waxaa isagana halkaas ka hadlay guddoomiyaha ururka dhalinyarada degmada waaberi xasan sheekh cabdi abuubakar (xasan codey ) isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay kulanka maanta halkaas la isugu yimid ee wada tashiga iyo isbarashada kaas oo loo baahan yahay in ay is wada bartaan maamulka degmada Cabdicasiis iyo guddoomiyayaasha dhalinyarada 16 deg mo ee gobolka banaadir.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarada degmada kaaraan cabdikaafi Naxamuud Makaraan isaga oo ugu mahad celiyey dhammaanba intii ka soo qeyb gashay kulanka maanta halkaan isugu yimid kadib.

Sidoo kale Guddoomiyaha ururka dhalinyarada degmada warta nabada Jaamac ka dib waxaa isna hadlay guddoomiyaha dhalinyara degmada shibis cabdikariin shaatax kadib waxaa isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha dhalinyarada degmada cabdicasiis.

1 2 3 5 7 8 9 10 41 61