Gudoomiyaha Hey’adda CCD oo maanta la kulmay Gudoomiyeyaasha Dhalinyarada degmooyinka G/Banaadir + Sawirro

Gudoomiyaha Hey’adda Wada hadalka bulshada ee CCD Mudane Ciise Axmed Cumar ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Gudoomiyeyaasha Dhalinyarada ee 17-ka Gobolka Banaadir, iyadoo kulanka ahaa mid lagu jeex-jeexay arrimo badan oo quseeya dhalinyarada Soomaaliyeed.

Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Hey’adda CCD ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn waxaa looga hadlayay sida dhalinyada ku nool Gobolka Banaadir uga tashan lahaayeen hadafkooda iyo aayahooda mustaqbalka ee kaga aadan dib u dhiska iyo xasilinta dalka.

Gudoomiyaha Hey’adda Wada hadalka bulshada ee CCD Mudane Ciise Axmed oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in maanta ay u tahay farxad gaar ah, maadaama ay hor fadhiyaan dhalinyarada 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir oo ah madaxda berri, isagoo ku adkeeyay inay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahayeen dib u dhiska, nabadeynta dalka.

“Maanta dareenkeyga aad ayuu u sareeyaa waxaa na hor fadhiya dhalinyarada 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, oo ah kuwo aayaha mustaqbalka laga doonayo inay u istaagaan, sidii SYL oo kale in dhalinyarada ay is xilqaamaan, ayna dib u milicsadaan halgankii xornimo doonka, dhalinyarada waxaa heysta dhibaato ku filan, waayo waa kuwo loo adeegsado xaabada lagu huriyo colaada dalka”ayuu yiri Gudoomiye Ciise Axmed Cumar.

Mr Ciise ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada ay noqdeen kuwo la marin habaabiyay oo maskaxda laga xaday, isla markaana falalka is qarxinta loo adeegsado, waxaana uu ka dhawaajiyay in baahan yahay in dhalinyarada ay midoobaan si xalka dalka u soo dhowaado.

“Dhalinyarada hadaan dareemin in dhibka dibada nooga yimid oo dhalinyarada kuwa qaldaya aan iska celin, ee la leeyahay jihaad ee is qarxi Janno ayaa galee, taas waa inaan ka hortagnaa oo aan dhalinyaradeena bad baadinaa”ayuu yiri Mr Ciise.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dhalinyarada ay lahaadaan hadaf, isla markaana laga wada xaajoodo dhibaatooyinka gudaha ee ka dhex jira dhalinyarada Soomaaliyed, oo aas aas u noqday dhibaatada dalka ka taagan.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha Dhalinyarada Gobolka Banaadir, kuwaasoo soo jeediyay fikrado iyo tusaale looga gudbi karo dhibaatada dhalinyarada heysata, waxaana qaarkood ay cadeeyeen in dhalinyarada loo sameeyo wacyi gelin si looga hortago u nuglaanshaha in loo adeegsado falalka ka dhanka ah amni darada sida inuu Bam tuuro ama is qarxiyo.

Afhayeenka Dhalinyarada Gobolka Banaadir ahna Gudoomiyaha ururka dhalinyarada degmada Waabari Xasan Codey ayaa sheegay in dhalinyarada ay dalka dhisi karaan, hadii ay wada jir noqdaan, waxaana uu ka dhawaajiyay in dhalinyarada ay isugu jiraan, kuwa shaqeysto, kuwa wax barto, iyo kuwo aan wax baran oo aan shaqo heysan, kuwaasoo uu ku baaqay in loo sameeyo xirfado shaqo ama wax la baro.

Qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha dhalinyarada degmooyinka ayaa u soo jeediyay Hey’adda CCD ay u furto siminaaro iyo barnaamijyo la xiriira is dhex galka bulshada, si doorka dhalinyarada ee degmooyinka Gobolka Banaadir loo xoojiyo.

Xaawo Sheekh Maxamed oo ah Xoghayaha dhalinyarada degmada Wadajir ayaa dhankeeda sheegtay in loo baahan yahay dhalinyarada la hormariyo, isla markaana kuwo dhibaateynaya laga qabto, waxaana ay soo jeedisay in kuwa la qalday wax loo sheego.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa Gudoomiyeyaasha dhalinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Hey’adda wada hadalka bulshada dhex martay dood ku saabsan sida loo gaari karo hadafka ay hiigsanayaan dhalinyarada gobolka saddexda bilood ee soo socota, waxaana la isku weydaarsaday fikrado ku aadan sidii dhalinyarada isku xirnaan lahaayeen, degmo kastana laga sameeyo kulamo wacyi gelin, isla markaana ay koox koox isugu xirnaadaan.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Hey’adda Wada hadalka Bulshada Ciise Axmed Cumar ayaa sheegay inay xooga saarayaan sidii dhalinyarada ay u qaban lahaayeen kulamo wacyi gelin, dood cilmiyeed iyo siminaaro sare loogu qaadayo aqoontooda, waxaana uu ugu baaqay gudoomiyeyaasha dhalinyarada degmooyinka inay halgan u galaan sidii dhalinyarada da’doooda u dhaxeyso 15-20-jir loo wacyi gelin lahaa.

DSC03369 DSC03372 DSC03379 DSC03385 DSC03386 DSC03387 DSC03397 DSC03432 DSC03449 DSC03464 DSC03471 DSC03475 DSC03485