Shirka isbuuclaha ah ee dhalinyarada gobolka Benaadir oo dhacay.

Kulankan waxaa shir guddoominayey gudoomiyaha dhalinyarada G/Benaadir Md Abdikafi Mohamoud Makaraan, waxaana kasoo qeybgalay guddoomiyayaasha dhalinyarada ee degmooyinka gobolka Benaadir.

Intii uu kulanka socday waxaa lagu lafa guray marxalidihii ay ku sugnaayeen dhalinyarada maalmihii u dambeeyay iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha ay dhalinyarada hayaan oo ay kamid tahay shaqa abuurka dhalinyarada, iyo sidii loo xoojin lahaa isku xirka dhalinyarada degmooyinka gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Benaadir Md Abdikafi Mohamoud Makaran ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhalinyarada iney kaalintooda ka qaataan horumarka dalka, sidoo kale wuxuu uga digay iney aqbalaan ku dhaqanka qabyaaladda;taasoo ah cadowga dowladnimada.