Dhalinyarada gobolka Benaadir oo qabtay kulan lagu xoojinayo amniga.

Kulan balaaran oo ay kasoo qeybgaleen dhalinyaro aad u fara badan ujeedkiisuna uu ahaa xoojinta nabadgelyada caasimadda iyo kaalinta dhalinyarada ay ku leeyihiin amniga ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

intuu kulanka socday waxaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah dadkii ay saameysay musiibadii bishan 14keedi ka dhacday isgoyska Ex Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Benaadir Md Abdikaafi Mohamoud Makaraan oo ku hadlayey afka dhalinyarada ayaa sheegay in haatan la joogo xilligii dhalinyarada ay qeyb weyn ka qaadan lahaayeen nabadgelyada dalka ayna ka xoreyn lahaayeen nabad-diidka caadeystay gumaadka umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md Taabit Cabdi ayaa isna sheegay in dhalinyarada ay yihiin kuwa uu u hari doono dalkan sidaa awgeed ay qaataan lahaanshiyaha ayna ka dhiidhiyaan cidii carqalad ku ah nabadgelyada iyo horumarka dalkan.
Gabangabada kulanka ayaa dhalinyaradii kasoo qeybgashay ay fikrado ka dhiibteen su’aalo uu diyaariyey ururka dhalinyarada gobolka Benaadir oo ku saabsanaa sida loo xoojin karo nabadgelyada.

Xafiiska Dhalinyarada
Gobolka Benaadir
benadiryouth@gmail.com
Dhamaad.