Wax qabad Muuqda

!

Wax qabad Muuqda!
Waxaa maalintii labaad ka socda caasimada Somaliya ee Gobolka Benaadir shaqooyin ay dhalinyarada Gobolka Benaadir iyo ururka dhalinyarada degmada Shengaani kaasi oo ay kaga qayb qaadanayaa qurxinta bilicda caasimada muqdisho .

Waxa kaloo kamid ahaa Mas’uuliyiinta manta nagala qayb qaatay “wax qabadka Muuqda” Xildhibaan C/qaadir Carabow oo ka tirsan Dowlada Federalka Somaliya oo dhalinyaro ah kaas oo gacantiisa ku qurxiyay qaybo kamida caasimada somaliya waxa uuna ugu danbayn tii noogu deeqay Rinjigii aanu maalmahan soo socda ku shaqayn lahayn, ugu danbayntiina waxa uu nagu waaniyay in aanu ka qayb qaadano horumarka kajira dalka waxa uuna carabka kudhuftay awooda nagu jirtay in ay waxbadan katarayso quruxda caasimada iyo ku noolaanshaheeda hadii aanu sidanoo kale ugu deeqno waxtigayaga iyo juhdigayagaba.

Waxaa ka mid ahaa dadka kaqayqaadanayay wax qabad muuqda” Askarta Boliska iyo Kuwa Nabadsugida oo astaan u ah israaca iyo wax wada qabsiga dhalinyarada ciidanka soomaaliyeed waxa ay ahayd maalin dadka intii jaanis u heshay ay ahaayeen qaar aad u qiiraysan kuna faraxsan wax ka socda magaalada muqdisho sigaara dadka waawayn ayaa waxa ay ahaayeen qaar iskugu jiray in ducaysa in waxa ay hayaan nagu caawiya iyo in iska ilmaysa xusuusta soomalinimadii lixdankii iyo nolosha ay ku noolaayeen iyo halka aanu manta kor uga sooqaadayno somaliya waxa ay ahaayeen qaar aad noowaaniya kuna farxa waxa aanu ka samaynayno magaalada muqdisho.

Waxa ugu danbayn tii dhalinyaradii hadal mahadnaq ah u jeedisay gudoomiyaha degmada Sheengaani oo ay ka muuqato farxada iyo lajirka dhalinyarada iyada oo carabka ku adkaysay aan isku tashano dhalinyarooy.

Waxa aan ka gudoomiyaha Dhalinyarada Gobalka Benaadir ku boorinayaa dhalinyaradu in ay dareemaan in ay xoryihiin fulinkaraana waxa ku soo dhaca qalbigooda oo aanay is waydiinin yaa nacaawiya ee ay maanka galiyaan in ay qaban karaan haday midoobaan, Dhalinyaradu waa Cududa Umada soomaaliyeed Kuwa gobolka Benaadirna Waa Muraayadii Dhalinyarada Somalida oodhan Waa in aan noqonaa qaar Isxilqaanku u noqdo Sharaf iyo Hibo ay deeq uyeesheen.

FG: Hadaynaan Ugu deeqin Waqtigeena, Maalkeena, Cilmigeena iyo Caqligeena Caasimada Somaliya Dhalinyarooy Somaliya yaa umaqan?!