Barnaamijka Nabad Side


Kulan ay Soo qaban qaabiyay Ururka dhalinyarda Gobalka Banaadir oo loogu magac daray Nabad~side Xasilinta Magalada Muqdisho

Ugu horeeyn kulanka ayaa waxaa ka hadlay Gudomiyaha dhalinyarada Gobolka Benaadir Mudane Abdi kaafi Mohamuud Makaraan oo sharaxay ujeedada Barnaamijkaan waxuuna dhahay barnaamijkan waxuu ka dhacaa 17 degmo waxana lagu lafa guraa sidii dhalinyarada Degmooyinka Gobolka benaadir ula shaqeyn lahayeen Maamulka degmada

Gudomiyaha Degmada Howlwadaag mudane Abdikariin Ali kaar ayaa soo dhaweyay barnaamijkan madama uu yahay kulan loga hadlaayo xasilinta magalada Mogadisho una mahadceliyay Dhalinyarada Gobolka Benaadir

Kulanka intii uu Socday waxaa lagu Soo Bandhigay su’aalo dhoor ah oo ka hadlaya amniga wax loogu weydiinayo dhalinyarada goobta iskugu timid.

Waxaa goobtaas la isku wiidaarsaday jawaabo dhoor ah oo dhaxalgal u ah amniga.

Waxaa kulanka ka hadal Gudooomiyaha Gobalalka Benaadir Mudane Abdirahman Omar Osman – Eng. Yarisow
Waxuu Dhalinyarada ku dhiiragiliya in ay si sax ula shaqeeyaan ciidamada Amaanka har iyo habeene u garab istaagaan maamulka Degmada Howlwadaag