Dood Cilmiyeed looga hadlaayay sida Dhallinyarada Soomaaliyeed ay u sameysan lahaayeen Dallad oo ka dhacay Marka + Sawirro

Magaalada Marka oo ka tirsan gobolka Sh/hoose waxaa maanta ka dhacay dood cilmiyeed ay isugu yimaadeen dhallinyaro ka kala socotay magaalooyinka Muqdisho, Marka iyo Baraawe, kaasi oo looga hadlayay sidii loo sameyn lahaa dallad isku xirta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dood cilmiyeedkaan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda wadahadalka CCD, waxaa ka soo qeyb galay in ka badan boqol dhallinyaro oo ka kala socota gobolada Banaadir iyo Sh/hoose, madax ka tirsan maamulka Marka iyo Baraawe, waxayna siyaabo kala duwan uga hadleen muhiimadda ay u leedahay in dhallinyaraada Soomaaliyeed loo sameeyo dallad isku xirta si ay horumarka iyo nabadda dalka uga qeyb qaataan.

Taliye K/Xigeenka Booliska magaalada Marka Cusmaan Sheekh Cali oo halkaasi khudbad kooban ka jeediyay ayaa sheegay in dood cilmiyeedkaan uu yahay mid muhiim weyn u leh dhallinyarada, isagoona sheegay in dhallinyarada ay ku gaari karaan yoolkooda isla markaana ay ku kala war qaataan.

C/qaadir Cali Mursal Guddoomiyaha dhallinyarada degmada Marka ayaa sheegay in dood cilmiyeedkaan uu yahay mid wanaagsan oo ay soo dhoweynayaan, wuxuuna sheegay in fikradda lagu asaasayo dallad isku xirta dhallinyarada ay tahay mid wanaagsan oo baahi weyn loo qabay.

“Waxaan halkaan uga mahad celinayaa madaxda iyo maamulka Hay’adda CCD oo runtii isku soo duba riday dood cilmiyeedkaan looga tashanayo asaaska dallad ay ku mideysan yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed” ayuu yiri C/qaadir Cali Mursal guddoomiyaha dhallinyarada degmada Marka.

Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Maxamed Axmed Sugwaa oo ah Guddoomiyaha dhallinyarada degmada Baraawe, wuxuuna sheegay in dood cilmiyeedkaan uu yahay mid taariikhi ah oo mug weyn, isagoona tilmaamay in is dhex galka bulshada Soomaaliyeed uu astaan u yahay.

“Waxaan sameysan doonaa dallad isku xirta dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana rajeynayaa in mar dhow dhallinyarada Marka ay tegayaan Muqdisho, kuwa Markana ay tegayaan Baraawe, kuwa Baraawena ay Muqdisho booqdaan” ayuu yiri Guddoomiyaha dhallinyarada Baraawe.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Cali C/qaadir Faarax iyo Xasan Sh. Cabdi oo ka socday gobolka Banaadir, waxayna siyaabo kala duwan uga hadleen dood cilmiyeedka maanta ka dhacay degmada Marka, iyagoo hoosta ka xariiqay asaaska dalladda isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa nasiib darro ah in awooda dhallinyarada maanta ay qeybsadeen hoggaamiye kooxeedyo iyo xubno qabiil madax maray oo xaabo ka dhigtay dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana rabnaa inaan taasi meesha ka saarno oo aan sameysano dallad ka shaqeysa horumarka iyo midnimada dhallinyarada” ayuu yiri Cali C/qaadir faarax.

Xasan Sh. Cabdi ayaa isna sheegay in dhallinyarada maanta ay yihiin mustaqbalka berri loo baahan yahay inay u istaagaan sidii ay u muujin lahaayeen cududooda, wuxuuna xusay in dood cilmiyeedkaan uu gundhig u yahay sidii ay dhallinyarada uga xoroobi lahayd in loo adeegsado falalka xun xun.

“Waa inaan u diyaar garownaa sidii aan u sameysan laheen dallad kulmisa dhallinyarada Soomaaliyeed, taasi oo looga gudbi karo marin habaabinta ay kooxda Shabaab iyo hoggaamiye kooxeedyada beelaha ay ku hayaan dhallinyarada” ayuu yiri Xasan Sh. Cabdi (Codey) oo ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedka ka dalbaday inay muujiyaan shucuurtooda ku aadan asaaska dallad cusub oo dhallinyarada isku xirkeeda ka shaqeysa.

Dhammaanba ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedka ayaa si heer sare ah uga jawaabay su’aalo ku saabsan fikradahooda ay ka qabaan dalladda isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyagoo dhammaantood siyaabo kala duwan u soo dhoweeyay isla markaana tilmaamay inay diyaar u yihiin sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen.

DSC03068 DSC03078 DSC03091 DSC03093 DSC03096 DSC03099 DSC03101 DSC03106 DSC03107 DSC03109 DSC03112 DSC03113 DSC03114 DSC03119 DSC03128 DSC03132 DSC03134 DSC03138 DSC03145 DSC03158 DSC03161 DSC03162 DSC03170 DSC03191 DSC03197 DSC03212 DSC03215 DSC03220 DSC03221 DSC03222 DSC03224