Xildhibaan Mustaf Sheikh cali Dhuxuloow ayaa Qado sharaf sagootin u sameyay sports F.c Banaadir Sports Clup

Xildhibaan Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow ayaa soo agaasimay kulan qada sharaf ah oo isugu jiray sagootin iyo dhiira galin loo sameeyay kooxda kubada cagta Fc. Banaadir Sports Clup oo dhawaan ka qeyb gali doonto is reeb reebka tartanka kubada cagta ee jaamacada carabta,

Wasiirka wasaarada Dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Muqdisho Xildhibaan Mustaf Dhuxulow halyeey Cabdi Bile Cabdi madaxda xiriirada ciyaaraha dalka masuuliyiin ka socotay xafiiska madaxwenaha jamhuuriyada Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay kulankani,

Gudoomiye kuxigeenka kooxda Banaadir Sports Clup Maxamed Cusmaan Daamey ayaa ka hadlay tartanka ay kooxda u baxeyso,

halyeey oradyahan Cabdi Bile Cabdi ayaa la dar daarmay kooxda Banaadir Sports Clup ,

gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa tilmaamay in dhiiragalinta ciyaartoyda ay muujineyso sida masuuliyiinta qaranka uga go’an tahay garab istaaga dhalinyarada,

Xildhibaan Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya islamarkaana kulankani soo agaasimay ayaa guul u rajeeyay kooxda ciyaartoyda kooxda Banaadir Sports Clup ,

guddoomiyaha gobolka benaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yarisow) waxaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir uu garab taagan yahay dhiiragalinta sportska iyo dhallinyarada,

Wasiirka wasaarada Dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo goobta ka hadashay waxa ay sheegtay in uu dib usoo kabsaday sportska Soomaaliya ,