Kulanka isdhaxgalka dhalinyarada Degmada Dayniile.

Gudomiyaha dhalinyarada Gobolka Benaadir Md Abdikaafi Mohamoud Makaran ayaa ka qeybgalay kulan ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Degmada Dayniile iyo dhalinyarada Degmada, wuxuuna ujeedka Kulanka ahaa isdhaxgalka dhalinyarada Degmada Dayniile.Gudoomiye Makaran ayaa sheegay in dhalinyarada Degmada Deyniile ay yihiin kuwo mudan in lagu deysado, oo leh gabdho iyo wiilal horseed U ah Degmada isla markaana si Wanaagsan ay ula shaqeeyaan maamulkooda.

Gudoomiye Makaran ayaa u balanqaaday dhalinyarada Degmada Deyniile Inuu ku soo laalaaban doono oo uu si dhow ula socon doono, Sidoo kale wuxuu u balanqaaday in uu gudoonsiin doono shahaado sharaf Gudomiyaha dhalinyarada Degmada Deyniile Cumar Cabdi Fiidow.

Gudoomiyaha Degmada Deyniile Md Cabdiwali Nuur Faarax ayaa isna balanqaaday Inuu awooddiisa is ugu geyn doono awoodsiinta dhalinyarada,isla markaana uu U qaban doono kulamo nuucaan oo kale ah.

Gudoomiye Makaran ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhalinyarada iney la shaqeeyaan Maamulka Degmada, Sidoo kale wuxuu ku adkeeyay iney isku duubnaadaan.

Dhamaad
Xafiiska Warfaafinta
Dhalinyarada G/Benaadir
Benadiryouth@gmail.com
Www.brayouth.com
Mogadishu, Somalia.