Kusimaha Gudomiyaha Gobolka banaadir Ayaa manta dhagax dhigay Xarunta Dhalinyarada

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc lagu dhisaayo xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir taas oo ay iska kaa shanaayan maamulka gobolka iyo hey’adda UN-ka u qaabilsan arimaha horumarinta deegaanka.

Dhagax dhiga kadib ayaa mashruucaan waxaa faah faahiyay guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Banaadir isagoo sheegay in muda fog ay soo jiitameysay dhismaha xaruntani hasa’ahaate uu maamulka gobolka Banaadir ku guuleystay in dhallinyarada Caasimadda ay helaan goob ay isugu yimaaden oo ay afkaartooda kusoo bandhigaan,

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka mudane Xuseen Maxamed Nuur waxa uu tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dhiiragalinta dhallinyarada iyo in loo afuuro fursado ay ku hormarin karaan mustaqbal kooda si ay uga qeyb qaatan horumarka Caasimadda,