Kulan laga hadlayay Muhiimada Dhalinyarada

Godomiyaha Dhalinyarada Gobalka Banadir #AbdiKaafi_Mohamud_Makaran ayaa Maantay Kulan la qaatay Dhalinyarada Degmada Shangaani Kulankaas ayaa ahaa Kulan Logu hadlayay Muhimada ay Lee Dahay Dhalinyarnimada,

Kulanka Waxa Ka soo qayb galay Boqolaal Dhalinyarada Oo Ka Tirsan Degmada Shangani Iyo Ku Simaha Godomiyaha Shangani Marwo #Maryan_Hassan_Badal Oo Goobta ka Jeedisay Khudbad Ay Ku dhiro galinaysay Dhalinyarada, Gudomiyaha Dhalinyarada Degmada Shangaani Ali jimcale Gabow Xoghayaha xiriirka Maamul Goboledyada iyo Gobolka banaadir dhalinyarada Qaranka Somaliyed

Godomiyaha Dhalinyarada Gobalka Banadir Makaran ayaa ka hor jeediyaya Dhalinyarada Qudbad aad u soo Jeedatay Dhalinyaro walbo Oo Somali ah Waxa Uuna Yiray,

Sidaynu wada ogsoonyahay dhalinyaradu waxa waaye laf dhabarka umadd kasta waana kaydka dhabta ah ee ay haysato, Waxaa Wanagsan in si fiican looga faiidaysto, Mujtamac walbana Mustaqbalkiisu waxuu ku xiran yahay dhalinyaradiisa,

ummadii garata qiimaha dhalinyarada leedahay si fiicanna u tarbiyadaysa dhalinyaradeeda waxay garayaan guulo badan dhinac walba, laakiin umaddii iska dayacda dhalinyaradeeda waxa ku dhaca baaba’a iyo dabar go’a,

Ugu Danbeen Godomiye Makaran ayaa Si aad Wayn Ula Dar daarmay Dhalinyarada Degmada Shangaani Waxa Una u Sheegay In ay Iska Ilaaliyaan Khatar Walba Dalka Ku Haboneen.