Degmada Hodon oo ka dhacay kulan dhallinyaro, loogana hadlay arrimo muhiim ah + Sawirro

Urur ka shaqeeya arrimaha dhallinyarada oo hoos taga Maamulka Gobolka Banaadir ayaa degmada Hodon ku qabtay kulan ay ka soo qeyb galeen boqolaal dhallinyarada oo degmadaasi ka socotay, waxaana kulanka sidoo kale ka soo qeyb galay madax ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, aqoonyahano, haween iyo xubno ka tirsan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Guddoomiyaha ururka Dhallinyarada Gobolka Banaadir Md. C/Kaafi Maxamuud Makaraan ayaa halkaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka dood cilmiyeed ay u qabteen xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Hodon, isagoona sheegay in ujeedada kulankaan ay tahay mid lagu muujinayo doorka dhallinyarada uga aadan nabadgelyada iyo horumarka dalka.

“Dhallinyarada fikir badan ayaa ku jira, waxaana la rabaa inaan la caburin dhallinyarada oo ay soo bandhigaan fikirkooda” ayuu yiri Guddoomiyaha ururka Dhallinyarda G/banaadir oo ku booriyay dhallinyarada inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga iyagoo isku xiran ayna ka qeyb qaataan howlaha iskaa wax u qabso ee dalka lagu horumarinaayo.

Guddoomiye Makaraan ayaa uga mahad celiyay dhallinyarada degmada Hodon sida ay uga jawaabeen su’aalaha ay weydiinayaan madaxda maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna xusay in dhallinyarada Degmada Hodon ee loo qabtay dood cilmiyeedkaan loo qabanayo dhammaanba degmooyinka maamulka G/Banaadir.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Hodon C/qaadir Cali Kulane oo sheegay in mudadii uu xilka hayay maamulkiisa uu ku guuleystay howlo fara badan oo Degmada ka hirgeliyay, sida nadaafadda, bilic soo celinta degmada Hodon, nabadgelyada iyo kulamo Isboorti si bulshada degmadaasi is dhexgal u sameeyaan.

Agaasimaha arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Md. C/Casiis Goodax Barre oo khudbad u jeediyay dhallinyarada degmada Hodon ayaa sheegay inuu isagu si weyn ugu faraxsan yahay in degmadaasi ay noqotay degmadii ugu horeysay oo dood u qabata dhallinyarada si ay bannaanka u soo dhigaan awoodooda waxqabad.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Md. Cali Maxamuud Seeko inuu u mahad celinayo maamulka Degmada Hodon iyo Ururka Dhallinyarada G/banaadir oo iska kaashtay qabanqaabada kulanka loo qabtay dhallinyarada Degmada Hodon, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sanadkaan uu yahay sanadkii dhallinyarada oo laga soo bilaabo Madaxweyne Xasan Sheekh ilaa Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo kuwa xaafadaha Gobolka banaadir inay yihiin dhallinyaro aqoon leh.

“Laga soo bilaabo Guddoomiyaha maamulka G/Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo xaafadaha Gobolka waa dhallinyaro aqoonta u saaxib ah oo waqti ku lumiyay inay wax bartaan si ay ugu adeegaan dadkooda iyo dalkooda” ayuu yiri afhayeenka Gobolka Banaadir.

Md. Cali Maxamuud Seeko waxaa kale oo uu sheegay inuu dhici doono shirweyne ay yeelanayaan maamulka Gobolka Banaadir iyo dhallinyarada degmooyinka G/Banaadir shirkaasi oo uu sheegay in ujeedadiisu tahay sidii loo horumarin lahaa dhallinyarada.

“Shaqo abuur in loo sameeyo dhallinyarada waxay ku imaan kartaa marka ay wax bartaan, taasi oo ah mid aan laga bililiqeysaneyn amaba qof kale aanay ka qaadan karin uuna ku intifaacayo ilaa uu ka geeriyoodo” ayuu yiri Cali Maxamuud Seeko, oo ku booriyay dhallinyarada inay farta ku fiiqaan kan miinada aasaya si loo gaaro in la waayo qof miino aasaya ama ay marin habaabiyaan kooxda Al-Shabaab, taasi oo horseedi karta nabad guud oo ka dhacda dalka oo dhan, gaar ahaan degmooyinka G/Banaadir.

DSCF0060 DSCF0062 DSCF0065 DSCF0066 DSCF0067 DSCF0073 DSCF0074 DSCF0075 DSCF0077 DSCF0078 DSCF0090 DSCF0091 DSCF0094 DSCF0095 DSCF0096 DSCF0097 DSCF0098 DSCF0099 DSCF0100 DSCF0101 DSCF0102 DSCF0106 DSCF0110 DSCF0113 DSCF0116 DSCF0118 DSCF0119 DSCF0121 DSCF0128 DSCF0133 DSCF0136 DSCF0138 DSCF0140 DSCF0143 DSCF0144 DSCF0146 DSCF0147 DSCF0148 DSCF0150 DSCF0156 DSCF0159 DSCF0160 DSCF0166 DSCF0169 DSCF0170 DSCF0171 DSCF0172 DSCF0173 DSCF0174 DSCF2830