Bernaamijka wacyi-galinta Caabuqa Covid19 ee dhalinyarada gobolka Benadir iyo dhalinyarada mutadawiciinta ah ee ku nool gobolka banaadir

Gudoomiyaha dhalinyarda gobolka banaadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa ee xarunta dhalinyarada gobolka banaadir ee Mogadishu One Stop Youth Center dhalinyaro mutadawiciin ah oo ka shaqeeya arrimaha wacyigelinta Caabuqa ama Cudurka karoona-fayrus, Waxa ayna ka wada hadleen doorkooda ku aadan arimaha wacyigelinta, isku xirka iyo midaynta dadaallada dhallinyarada ee Caabuqa Covid19.

Dhalinyarada mutadawiciinta ah oo uu horkacayo Gudoomiyaha dhalinyarda ayaa maanta waxa ay sameeyeen fariimo iyo muuqaallo wacyigelin ah oo lagu wacyi-galinayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu dambayntii Gudoomiyaha dhalinyarda gobolka banaadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa dhalinyarada ku dhiirrigeliyay inay si wadajir ah ugu qayb qaataan arrimaha wacyigelinta bulshada, sidoo kale una sheegay
Inuu garab buuxa ku siinayo howlaha shaqo oo ayna uga qayb qaadanayaan badbaadinta bulshada.
Guul iyo Gobonimokulanka