Gudoomiyaha dhalinyarda gobolka banaadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa booqosho ugu tagay dhalinyarada…

Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Benadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa maanta booqasho ugu yimid qaar ka mid ah dhalinyarada ka shaqeenayso #Xog_Uruurinta_Caabuqa_Covid19 ee bulshada ku dhaqan gobolka banaadir.

Barnaaamijka shaqa Abuurka dhalinyarada Gobolka Banaadir oo kaa shanaya, Unuga xalka waara ee maamulka gobolka banadir ayaa howl galiyay dhalinyaro ka shaqeysa #Xog_Uruurint_Caaabuqa_Covid19, Dhalinyaradaan oo ka kala socotay dhamaaan 17.ka Degmo iyo Degaanka #Garasbaley iyo #Gubadley ee Gobolka banaadir ayaa Bilabeen inay soo uruuriyaan, bulshadana guryahoda ugu tagaan si ay uheelaan ama ay usoo gudbiyaan xaaladaha caafimaad ee ka jira gudaha bulshada.

Caaabuqa coronovirus ayaa si weyn usaameeyay dhamaan wadamada dunida, xog Uruurintaan ayaa ah mid lagu ogaanayo heerka Covid19 iyo saameynta uu ku dhex lee yahay bulshada dhexdeeda si xal looga gaaaro hadii ay jirto saameyntiisa.
Guul iyo Gobonimo