Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Moqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Omar Filish ayaa maanta daah-furay ololaha la dagaalanka …..

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Moqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Omar Filish ayaa maanta daah-furay ololaha la dagaalanka Caabuqa Covid19 Ee gobolka banaadir, Somalia.

Xafladaan lagu daah-furayay ololaha la dagaalanka Caabuqa Covid19 ayaa waxaa goob joog ku ahaa Wakiilka IGAD ee u fadhiya Somalia Ambassador Jamaal Axmed Ibraahim, Gudoomiyaha Degmada C/caziiz Mudane Mahdi, Gudomiyaha Dhalinyarda Gobolka Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan, Gudoomiyaha Dhalinyarada ee Maamul Gobleedka Jubbaland Mudane Cabdi wahaab, Culumaa’udiinka, Dhaqaatiirta, Ururka Dhalinyarada Degmoyinka Gobolka Bamaadir Gobolka Ururka Haweenka Gobolka Banaadir,

Ololahaan ayaa ah la dagaalanka iyo Ciribtirka Caabuqa Covid19 ee sida weyn usaameeyay dhamaan wadamada Dunida, gaar ahaan dalkeena Somalia, Gudoomiyaha Gobolka banaadir ayaa daah-furay ololahaan, waxaana si weyn ufulin doonna dhalinyarada Gobolka Benadir iyo qeybaha kale ee bulshada Rayidka, eyagoo taageero ka helaya Hey’adaha sida European Union ( EU ) iyo Intergovernmental Authority on Development ( IGAD )