Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Jaketti ayaa maanta soo gaba-gabaysay

Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Jaketti ayaa maanta soo gaba-gabaysay, soonna xirtay Barnaamijkii Wacyi galinta Coved 19 ahaa oo mudooyinkii ugu danbeeyay si weyn ugu socdey dhamaaan degmooyinka kala duwan ee gobolka banaadir, gaar ahaan xeryaha barakacayaasha iyo goobaha dadka caafimaad ahaan aad uliito.

Xiritaanka xaflada waxaa hoolka ku sugnaa oo goob joog ka ahaa ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Wakiilka IGAD ee u fadhiyay Soomaaliya, Agaasimayaal iyo Gudoomiyasha dhalinyarada 17 ka degmo ee Gobolka Banaadir.