Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Benadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa galabta ka qeyb galay Xaflad aad loo soo agasimey oo ay aheyd soo

Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Benadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa galabta ka qeyb galay Xaflad aad loo soo agasimey oo ay aheyd soo dhawayn iyo Isbarasho ka dhaxaysa dhalinyarada degmada Dayniile ee gobolka banaadir, xafladaan waxaa soo agaasimey oo soo qaban qaabiyay dhalinyarada degmada deyniile.

Ujeedka xaflada ayaa aheyd soo dhaweyn loo sameeyay Gudoomiyaha cusub ee dhalinyarada degmada Dayniile ee gobolka banaadir, xafladaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha dhalinyarada maamul gobleedka Jubbaland, qaar ka mid ah gudoomiyaasha dhalinyarada degmooyinka gobolka banaadir iyo qaar ka mid ah ururada madaxa banaan ee ka jira gobolka banaadir.

Gudoomiyaha dhalinyarda gobolka banaadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa uhambalyeeyay gudoomiyaha cusub ee dhalinyarada degmada Dayniile, waxa uuna kula dar daarmey in uu dhalinyarada degmada Dayniile ku hogaamiyo hibadda hogaamiyeed uu leeyahay, sidoo kale inuu muujiyo dulqaad iyo firfircooni. Ugu danbeyntee Gudoomiyaha ayaa umahadceliayay dhamaan dhalinyarda soo agaasintey xafladaan quruxda badan.

  1. 7