Gudoomiyaha dhalinyarada Gobolka Banadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa Maanta Xarunta Dhallinyarada Gobolka Benaadir kulan kula qaatay

Gudoomiyaha dhalinyarada Gobolka Banadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa Maanta Xarunta Dhallinyarada Gobolka Benaadir kulan kula qaatay Qoraayaasha buugga; #Ubixii_Waddanka, Hal-abuur Dr Xayle, eyadoo dhawaan la rajeynayo in lagu soo bandhigo Xarunta Dhallinyarada Gobolka Benaadir.

Waxaa kaloo kulan wada qadanay Qoraaga buugga Nalkii damay oo laga qoray marxuumad; Hodan Naaleeye oo ahayd qof shaqsiyad fiican oo wax weyn ka baddeshay muuqaalkii laga aaminsanaa dalkeeda iyo dadkeeda. Waxaana qoray qoraa; Mucaad oo ka yimid Laac-caanood, waxaana buugga marxuumadda dhawaan lagu soo bandhigi doonaa Muqdisho.

Sidoo kale waxaan Guddoomiyaha Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed ka Guddoommay nuqullo ka mid ah buugga Soomaalida Sooyaalkeedu sixid ugu filan oo uu qoraa; Naxarow uu u soo haddiyeeyay Maktabadda Eng: Yariisow.

Mar walba waxaan diyaar u ahayd in aan soo dhaweeyo oo dhiirrigeliyo dhallinyarada hal-abuurka ah ee maskaxdooda u shiilay sidii bulshadooda wax wanaagsan ugu soo kordhin lahaayeen.