Madasha Doorka dhalinyarada iyo dowladnimada oo maanta lagu qabtey…….

Xarunta Horumarinta Dhalinyarada Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa lagu qabtey kulan dood-wadaag ah oo looga hadlayay, Doorka ka qeyb qaadashada dhalinyarada iyo Dowladnimada, kulankaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiye ku Xigeenka Arimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Camir Shakeeti, Xildhibaan professor Dalxa, Sanatar Muna omar Gudoomiyaha dhalinyarda maamule Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee dhalinyarada.

Kulankaan oo ahaa kulan Dood-Wadaag furan oo leh ( pannal discussion) ayaa lagu lafa-gurey doorka dhalinyarada iyo dowladnimada, eyadoona pannal discussion ay ka qeyb qaateen masuuliyiinta dhalinyarada kala soo qeyb gashey kulanka.

Ugu danbeyntii barnamijkaan waxaa soo abaabulay Dhalinyarada Lataliyaasha Qaramada Midooobe ( UN Youth Adviser Board) Somalia Oo ay Qeyb ka ahaayeen/joogeen Gudoomiyaha Dhalinyarda Gobolka Banadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan iyo Gudoomiye Dhalinyarada Maamulka Jubbaland ee Abdiwahab.
kulan