Guddoomiye Makaraan oo soo dhaweeyay G/xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Gobolka Banaadir

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa maanta soo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir mudane Cali Yare Cali kadib marka uu maanta booqasho ku yimid Xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir ee #mogadishu_one_stop_youth_center,

Gudoomiyaha Dhalinyarada ayaa la wadaagay howlaha shaqo ee xarunta ka socda iyo shaqooyinka ay hayaan dhalinyarada Gobolka Benadir, sidoo kale waxa uu la wadaagay xogtii ugu danbeysay ee dhalinyarada la soo diiwaan galiyay degmooyinka.