Kulan duco iyo quraan aqris oo maanta si …………

Gudoomiyaha Dhalinyarda Gobolka Banaadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan iyo Qaar ka mid ah dhalinyarada wax garadka ah ee gobolka banaadir ayaa maanta kulan quraan aqris iyo duco ah  ku qabtey xarunta dhalinyarada Gobolka Benadir.

kulankaan oo loogu duceynayay Ugaas ciise
Iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed dhibaatada uu ku hayo caabuqa Covid19, gaar ahaan geeridii ku timid dhamaan dadkii ugu danbeeyay ee ku geeriyootay dalka.  Ugu danbeyntii kulankaan oo ka dhacay xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir ayaa loogu duuceyay dalka iyo dadkaba.