Dhalinayarada Gobolka Banaadir oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Dhalinayarada G/Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta Magaalada


Dhalinayarada Gobolka Banaadir oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Dhalinayarada G/Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa ay ku qabteen Munaasabada Xuska Maalinta Caalamiga ah ee dhalinyarada Adduunka. Xuskaan oo ay iska kaashanayeen Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo ururka dhalinayarada SWDC ayaa waxaa uu ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimahay.


Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir ayaa ku sheegay dhalinyarada in ay leeyihin Kuwa xun iyo kuwa wanaagsan balse timaamay in ay badankoodu yihiin kuwa sanadihii ugu danbeyay wax bartay cilmina leh dalkooduna uu sugayo. Maalintaan oo ah maaalin qaas ah ayaa lagu weenaynayay doorka dhalinyarada gobolka banaadir ee nabadda iyo isdhexgalka bulshada.