Booqashada Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha ee Xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta xarunta dhalinyarada gobolka Benadir ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Mudane Maxamed Barre Maxamuud.

Wasiirka oo maanta booqasho shaqo ku tagay xarunta dhalinyarada ayaa bogaadiyay shaqooyinka ay hayaan dhalinyarada Gobolka Benadir, kadib markii uu arkay shaqooyinka xooga leh oo ka socoto xarunta dhalinyarada, sida Barashada Xirfadda Computer.ka oo ay socotey daraasada Computer.ka Qeybtii 5aad iyo baarista caafimaadka.

Wasiirka oo si gaar ah ukormeeray xafiisyada kala duwan ee xarunta Horumarinta Dhalinyarada Gobolka Benadir sida Makabadda Eng.yariisow, Hoolka shirarka iyo Tababarada, Garoonka kubadda cagta, Qeybta Caafimaadka iyo Qeybaha kale ee xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir.

Ugu danbeyntii, wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa balan qaaday in xarunta Dhalinyarada gobolka Benadir si dhow ula shaqeyn doono xarunta dhalinyarada gobolka Benadir.