Tababarka Barashada xirfadda Computer.ka ee xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir

Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir marwa Basma Caamir Jakeeti  ayaa maanta  xarunta dhalinyarada gobolka Benadir ugu qeyb gashay xiritaanka Tababaarka Barashada Xirfada Computerka oo ay ugu soo gaba-gabowday  xarunta dhalinyarada, Gudoomiye Basmo ayaa  qaar ka mid ah dhalinyarada dhameystay  siminaarka gudoonsiisay shahaado, sidoo kalena dhiiri galisay.


Ku dhawaad 50 (konton) dhalinyaro ah oo dhameysatay Barashada Xirfadda Computer.ka ayaa maanta lagu-doonsiiyay shahaado cadeenaysa inay dhameysteen oo ay barteen Xirfadda Computer.ka, sidoo kale dhalinyaradaas ayaa qeyb ka noqotay galka xirfadlayaasha ee keydka xarunta dhalinyarada.

Waxaa sidoo kale martida munaasabadaan ka soo qeyb gashay ka mid ahaa  Xildhibaan Mahamed Abdulahi Buraale oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyada Federalka Soomaliya, xildhibaanka oo kalmad ka jeediyey munaasabada ayaa dhalinyarada dhameystay tababarka ku dhiiri galiyay inay sare usii qaadan barashada xirfadaha kala duwan, sidoo kalena ururka dhalinyarada Gobolka Benadir ku amaanay fursada ay siiyeen dhalinyarada maanta ka faa’iideystaay tabaabarka.

Ugu danbeyntii, Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa dhalinyarada dhameystay Tabaabarka ugu hambalyeey juhdigii iyo waqtigii ay ku bixiyeen inay bartaan Xirfadda Computer.ka oo si bilaash ah loogu baranayay xarunta dhalinyarada gobolka Benadir,  sidoo kalena ay heleen Practical dhameystiran oo ay ku qaateen qalabkii loo baahnaa oo daboolay baahiyaha guud ee barashada Xirfadda.