Munaasabadda Shahaado Bixinta Ee Dhalinyarada Dhamaysatay Tabaabarada kala …….

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta usoo xiray dhalinyaro dhameystay tababaro ka socday billaahaan xarunta dhalinyarada gobolka Benadir ee #Mogadishu_one_stop_youth_center.

Tababaradaan maanta la soo xiray ayaa waxay isugu jireen kuwa aqoon-kororsi ah iyo kuwa kale oo dhalinyarada lagu barayay xirfado kala duwan.

Masuuliyiinta ka soo qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudomiyaha Gudiga Kormeerka Shaqaalaha Rayidka Adan moalin Mohamed Gudomiyaha degmada shangaani Aweys camuudi ,
agaasimaha Guud warfaafinta gobolka banaadir Abdulaahi wiish, waxayna dhalinyarada dhameystay tababarka gudoonsiiyay shahaadooyin cadeenaya ka qeyb galka Tababarada xarunta ee maanta la soo gaba-gabeeyay.


Tababarada maanta soo xirmay ayaa waxay kala ahaayeen barashada aas-aasiga ee Xirfadda Computer.ka oo qeybo kala duwan isugu jiray iyo Barashada xaaladaha Degdega ee la xiriirta arrimaha caafimaad beni-aadantanimo.