Workshop on Legal Aid Provision

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaaan ayaa furay tababar ay ka faa’iideysteen ku dhawaad 100 dhalinyaro ah oo lagu qabtay xarunta dhalinyarada Gobolka Banaadir.

Tababarkaan ayaa cinwaankiisu ahaa hanaanka bixinta kaalmo sharciyeed oo ah cinwaan muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada gobolka Banaadir, tababarkaan oo ay ka faa’iideysanayeen qaar ka mid ah dhalinyarada jaamacadaha iyo dhalinyarada degmooyinka Gobolka Baanaadir ayaa bogaadiyay in ay uleedahay muhiimad gaar ah.

Ugu danbeyntii, Gudoomiyaha dhalinyarada ayaa gabagabadii tababarka soo xirey, dhamaan dhalinyarada dhameystay tababarka gudoonsiiyay shahaado ka turjumaysa tababarka, gudoomiyaha ayaa dhalinyada ku amaanay sida wanaagsan ay ugu faa’iideysteen fursadaan.