Shirka Horumarinta Haweenka iyo Dhaliniyarada Gobolka Banaadir ayaa ka

Shirka Horumarinta Haweenka iyo Dhaliniyarada Gobolka Banaadir ayaa ka furmay Magaalada Muqdisho iyadoona ay kasoo qeybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka

Waaaaradda Cayaaraha iyo Dhalinyarada Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliyeed, Md Mohamed Barre qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, Guddomiyaha Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada, Agaaismaha Guud ee Qorahaynta Maamulka G/Banaadir, xubno ka mid ah bulshada rayidka iyo dhalinyarada iyo haweenka degmooyinka Gobolka.

Shirkaan ayaa ujeedkiisu yahay in looga doodo arrimaha la xiriira Horumarinta Haweenka iyo Dhalinyarada gaar ahaan shaqo abuurka, ka qaybgalka siyaasadda heer kasta, dhibaatooyinka isticmaalka daroogada sharci darada ah.


Shirka ayaa la filayaa in uu ka soo baxo war-murtiyeed ku aadan go’aanada iyo talooyinka ku qotama ujeedadii Shirka lana rajaynayo in Hogaanka Maamulka Gobolka iyo guud ahaan Dawladda Fadaraalka ay ku darsato qorshayaasheeda ku aadan Horumarinta Haweenka iyo Dhalinyarada.