Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta usoo xiray dhamaan dhalinyarada ka faa’iideysatay oo dhameystay tabaabaradii maalmahaan ka socday xarunta dhalinyarada gobolka Benadir ee #Mogadishu_one_stop_youth_center.
Tababarada uu Gudoomiyaha soo xiray ayaa waxaa ka mid ahaa
1- Barashada Xirfadda Hogaanka iyo Fagaaro ka hadalka.
2- Barashada Xirfadda Computer.ka
3- Awooda dhalinyarada ee arrimaha Nabadda.
4- Awood-siinta Dhalinyarada
Qaar ka mid ah dhalinyarada ka faa’iideysatay tababarkaan ayaa ugu mahad-celiyay maamulka dhalinyarada sida wanaagsan oo ay usiiyeen fursadaan, Gudoomiyaha Dhalinyarda ayaa bogaadiyay dhalinyarada ka faa’iideysatay tababarkaan, wuxuuna ubalan qaaday in ay markasta ka faa’iideystaan.