kullanka Wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed 2023-2030.

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta ka qeyb galay kullanka Wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed 2023-2030.

Kullankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiirka  wasaaradda Dhalinyarada iyo cayaaraha Mudane Maxamed Barre, Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis,  la taliyaaal,  ururada bulshada Rayidka, gudoomiyaasha dhalinyarada degmooyinka gobolka banaadir iyo dhalinyarada Jaamacadaha.

Ugu danbeyntii,  dhalinyarada qeybta ka ah kullankaan ayaa waxaa la rajeenayaa inay si fiican ugu doodaan  qodobo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ku jira siyaasadda dhalinyarada oo ay ka mid tahay maxay dhalinyarada xaq uleeyihiin, kullankaan ayaa ah ka hor inta aan la geyn golaha wasiirada ayaa loo qabtay kullan wadatashi.