Isku soo baxa dhalinyarada gobolka Benadir ee ololaha la dagaalanka maandooriyaha

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan oo hogaaminaya Gudoomiyeyaasha dhalinyarada degmooyinka, ururada dhalinyarada iyo dhalinyarada jaamacadaha ayaa maanta isugu soo baxay kullan dareen muujin ah.

Ujeedka kullankaan isku soo baxa ah ayaa loola dan lahaa taageeridda iyo garab istaaga Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Moqdisho Mudane Shiekh Yusuf Xuseen Jimcaale Madaalle ee ololaha la dagaalanka Maandooriyaha.

Dhalinyarada maanta isku soo baxdey ayaa muujisay dareenkooda ku aadan in ay taageerayaan, ayna garab istaagan yihiin dadaalka Gudoomiyaha Gobolka banaadir ee la dagaalanka Maandooriyaha, dhalinyaradaan isku soo baxdey ayaa si dareen leh udiidey Maandooriyaha, tilmaamayna dhibaatooyinka caafimaad iyo mida bulsheed ee uu ulee yahay dhalinyarada iyo deegaanka.


Ugu danbeyntii, Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan oo ka hadlay fagaaaraha banaanbaxa ee Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere oo ay isugu yimaadeen dhalinyarada ayaa u mahad-celiyay Gudoomiyaha gobolka banaadir, unna mahad-naqay kadib dadaaladii lagu ciribtireyey goobaha lagu isticmaalo maandooriyaasha kala duwan.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee
Dhalinyarada Gobolka Benadir.
Number:-
WhatsApp: +25261-7-389826
E-mail:
media@brayouth.so
Makaran@brayouth.so
planning@brayouth.so
Twitter: https://twitter.com/MOSYC11?t=nVDpVTwrP7N1_0dvkEaRUw&s=08
Facebook: https://www.facebook.com/100064856643596/posts/327773726061180/
Website: https://brayouth.so/