Shirka Gudoomiyeyaasha dhalinyarada degmooyinka gobolka Benaadir

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta shir-gudoomiyay shirka usbuuclaha ah ee gudoomiyaasha dhalinyarada degmooyinka gobolka Banaadir.

Shirkaan oo lagu qabtay hoolka shirarka xarunta horumarinta dhalinyarada gobolka Banadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay guddoomiyayaasha dhalinyarada ee degmooyinka gobolka Benaadir.

Intii uu kulanka socday waxaa lagu lafa guray marxalidihii ay ku sugnaayeen dhalinyarada maalmihii u dambeeyay iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha ay dhalinyarada hayaan oo ay kamid tahay la dagaalanka Maandooriyaha, ka wacyi-galinta dhalinyarada muqaadaraadka, fahansiinta dowlad-wanaaga iyo sidii loo xoojin lahaa isku xirka dhalinyarada degmooyinka gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Benaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaran ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhalinyarada iney kaalintooda ka qaataan horumarka dalka, la dagaalanka Maandooriyaha.