C/WELI SH. AXMED: “Dhalinyarooy ka fogaada Qabyaalad, Mustaqbalkiinana ka fekera”

 

Ra’iisal Wasaare C/weli Shiikh Axmed Maxamed oo sii haya Xilka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa farriin muuqaal ah oo laga soo duubay, wuxuu baaq ugu diray dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, wuxuuna dhalinyarada kula taliyay in ay qabyaaladda iska daayaan, ayna ka fekeraan mustaqbalkooda, “Dadka waa weyn oo annaga oo kale ah waqtigooda waa soo qaateen, idinka waaye waxa mustaqbalka idinka dhumayo, marka waxaan idin leeyahay ka fekera mustaqbalkiina”ayuu yiri C/weli Shiikh Axmed Maxamed.