Guddoomiye Muungaab oo madaxda Hay’adda TIKA kala hadlay sidii ay u dadajin lahayeen dhismaha Jidka Wadnaha

Guddoomiye Muungaab oo madaxda Hay’adda TIKA kala hadlay sidii ay u dadajin lahayeen dhismaha Jidka Wadnaha
Published on December 21, 2014 by Mohamed White-ka • 2 Comments • 864 views
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo magaalada Ankara ee Dalka Turkiga kula kulmay mas’uuliyiinta hay’adda Dalka Turkiga laga leeyahay ee TIKA ka codsaday inay dadajiso dhismaha waddadaha Wadnaha ee magaalada Muqdisho.
Kulankaan uu guddoomiye Muungaab uu la qaatay madaxda Hay’adda TIKA ayaa waxaa looga hadlay dar dar galinta howlaha horumarineed ay Hay’adda TIKA ka wado magaalada Muqdisho iyo sidii loo dar dargelin lahaa.
Labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo badan oo ku saabsan dhismaha waddooyinka, gaar ahaan sidii loo bilaabi lahaa dhismaha wadada Wadnaha oo dhererkeedu gaarayo 10Km, isagoo ka codsaday inay la bilaabo dhismaha jidka Wadnaha.
Cali Maskan oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda TIKA ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Dalabka kaga yimid Maamulka Gobolka Benadir, isla markaana balan qaaday in Hay’addiisa ay xoojin doonto howlaha horumarineed oo ay ka wadaan magaalada Muqdisho, iyagoo diyaar u ah inay gacan ka geystaan sidii loo dhisi lahaa waddooyinka Caasimadda si dib loo soo celiyo bilicdii ay Muqdisho lahayd.
Hay’adda TIKA ayaa ka fulisay magaalada Muqdisho dhismo waddooyin dhererkooda gaarayo 23km oo uu horey u amray Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.