Guddoomiye C/Kaafi oo booqday xafiiska dhallinyarada Deg. Shibis (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir C/Kaafi Maxamuud ayaa booqday xafiiska dhallinyarada degmada Shibis, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha xafiiskaas C/Kariin Xuseen Ibraahim iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Kulan dhex maray labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka xafiiska dhallinyarada Degmada Shibis, wuxuuna Guddoomiye C/Kariim ka warbixiyay howlaha kala duwan ee ururkiisu ka qabanayo degmada Shibis.

Guddoomiyaha dhallinyarada G/Banaadir ayaa sheegay in maamulka dhallinyarada degmada Shibis uu door muuqda ka qaatay arrimaha dhallinyarada degmadaasi, isagoona ballanqaaday inay taageerayaan isla markaana soo dhoweynayaan hannaanka is dhex galka iyo horumarinta dhallinyarada degmada Shibis ee uu ka wado degmada.

Dhinaca kale waxaa kulankaasi ka hadlay xubno ka tirsan xafiiska dhallinyarada Degmada Shibis, iyagoona soo bandhigay sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha horyaala howlahooda la xariira arrimaha dhallinyarada ee ay degmada Shibis ka wadaan.

1 (1) 1 (2) 1 (3) 1 (4) 1 (5) 1 (6) 1 (7)