Degmada Kaaraan oo lagu soo gabagabeeyay tartan K/Cagta ah + Sawirro

Garoonka K/Cagta ee Degmada Kaaraan waxaa lagu soo gabagabeeyay tartan Isboorti oo dhex maray kooxo ka socday waaxyaha degmadaasi ay ka kooban tahay, iyadoo mudadii uu socday tartankaasi lagu soo bandhigay qaab ciyaareed ay aad ula dhaceen daawadayaasha.

Munaasabadda gabagabada tartanka Isboorti oo ay ka soo qeyb galeen madax ka tirsan maamulka degmada Kaaraan iyo kan gobolka Banaadir ayaa koob lagu guddoonsiiyay kooxdii ku guuleysatay tartankaasi.

Guddoomiyaha Isboortiga degmada Kaaraan iyo Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo iyagu hadiyado kala duwan guddoonsiiyay heerarka kala duwan ee kooxaha ka galeen tartankaasi ayaa ku booriyay inay kor u qaadaan dadaalkooda dhinaca Isboortiga.

Tartankaan oo ahaa mid dhex maray kooxo ka socday xaafadaha degmada Kaaraan qaarkood ayaa waxaa loogu talo galay mid ka tarjumaya is dhex galka bulshada, in la tijaabiyo awooda kooxaha ka dhisan degmadaasi gaar ahaan dhinaca K/Cagta.

Daawadayaal fara badan oo iyagu ku taxnaa daawashada ciyaarihii dhex marayay kooxaha ka qeyb qaatay tartanka ayaa ku ammaanay xirfadaha iyo degenaanshiyaha ay muujinayeen, iyadoo ay daawanayeen galab kasta dadweyne ka badan 300-ruux, kuwaasi oo iyagu kala taageerayay kooxda ka socota xaafadooda.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????