Gudoomiye Dhalinyarada Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay Doorashada G/Dhalinyarada Degmada Boondeere

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Maxamuud Makaraan ayaa ka qeyb galay Munaasabad heer sare loo soo agaasimay oo lagu dooranaayay Gudoomiyha dhalinyarada Demgada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Munaasabadaan waxaa ka soo qeyb galay dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo maamulka Degmada iyo marti sharaf kale waxaana xilka gudoomiyaha u tartamaayay la wiil oo ka socday degmada Boondheere.
Maamulka Degmada ayaa sameeyay doorasho lagu kala saaraayo labada dhalinyaro ee isku soo taagtay xilka gudoomiyanimada waxaaana markii doorasha la sameeyay ku guuleystay Axmed Dayax.
Codadka la qaaday ayuu ku soo baxay Axmed Dayax isagoo helay 42 halka musharaxii laga guuleystay uu helay 24 waxaana natiijada doorashada ku dhawaaqay Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Mudane C/kaafi Maxamuud Makaraan.
Gudoomiyaha ayaa u hambalyeeyay Axmed Dayax oo loo doortay xilka dhalinyarada Degmada Boondheere wuxuuna kula dardaarmay inuu xilkiisa sida wadaninimo uga soo baxo.

Ugu danbeyti waxaa ka hadlay gudoomiyaha Degamada Boondheere Mudane Qaasim dheere oo u mahadceliyay marti sharafti ka soo qeyb gashay munaasabada, sidoo kalena u hambalyeeyay gudoomiyaha cusub isagoo ku booriyay inuu qeybtiisa ka qaato kulamada dhalinyarada ee Gobolka Banaadir.

1

1

1

1 20150122_195533 DSC00466 DSC00473 DSC00475 DSC00495 DSC00501 DSC00504 DSC00518 DSC00543