Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo ka qayb galay kulan wada tashi ah oo dhalinyarada gobolka ku yeesheen+SAWIRO.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo ka qayb galay kulan wada tashi ah oo dhalinyarada gobolka ku yeesheen+SAWIRO.  

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia ayaa maanta waxaa lagu qabtay kulan wada tashi ah kaas oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Ujeedka Kulankaan ayaa ahaa mid looga tashanayay sidii ay wada shaqeeyn u dhexmari lahayd ururka dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha ka shaqeeyo horumarka arrimaha dhalinyarada.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir dhanka arrimaha bulshada Iiman Nuur Iikar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay kulankaan kuwaas oo hadalo u badan talooyin goobka ka jeediyay kulana dar daarmay dhalinyaradii ka qeyb galay kulankaan inay heystaan dhalinyarada fursado badan loona baahan yahay inay ka faa’iideystaan.

Cabdi Kaafi Maxamuud Makaraan oo ah Gudoomiyaha ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kulankaan uu yahay kii ugu horeeya nuuciisa ah oo lagu qabto magaalada Muqdisho islamarkaasna ujeedka wada tashiga uu ahaa sidii ay wada shaqeyn u dhexmari lahayd ururka dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha taageera oo ka shaqeeya arrimaha dhalinyarada.

 

20583_1573936652845088_2121344679842457804_n22830_1573936216178465_6394567440311364334_n1526170_1573936886178398_7349861397240111162_n10349896_1573936966178390_7455545725302296845_n10395810_1573936812845072_5020432970096592735_n10569066_1573936956178391_5087546656174952183_n10928199_1573936849511735_7329891104655601416_n10950712_1573936672845086_46223373206033044_n10986450_1573937019511718_3722738225131925681_n11008792_1573936882845065_6362663208378761018_n11052887_1573936939511726_1615862578446548038_n11075264_1573936526178434_7895071430909110380_n11080996_1573936946178392_8407246230356196495_n11081140_1573936676178419_7772557905003545127_n11081384_1573936596178427_7383482793013607771_n11082443_1573936549511765_2705390001757286631_n11082443_1573936942845059_3125559707427157485_n11082515_1573936219511798_1527891453443258330_n11088407_1573936989511721_6662427421959462201_nCariifKulan Dhalinyaro iyo Ku Xigeenka gobolkaKulan kaliya