Tartanka kubadda cagta ah oo ku saabsan isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO

Tartanka kubadda cagta ah oo ku saabsan isdhexgalka bulshada oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO
Tartankan Cayaaraha futsalka ee kubadad cagta ah oo loogu tala galay in laguxoojiyo isdhexgalka bulshada iyo nabadda oo soconayay mudo 15 maalmood ah ayaa lagu soo geba gebeyeey Degmada Howlwadaag, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiir ku-xigeenka Wasaradda dhalliyarada iyo Isboortiga, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir oo uu hogaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka Mamulka gobolka ee dhanka Howlaha Guud.
Tartanka oo ugu dambeyntii ay ku wada kulmeen cayaartooy ka kala socotay degmooyinka Waaberi iyo Dharkeeynleey, isla markaana uu soo qaban qaabiyay ururka dhallinyarada Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku soo idlaatay 9-1 oo ay guusha ku raacday cayaartooydii ka socotay degmada Waaberi, iyadoo dadkii u soo daawasho tegay cayaarta ay aad ula dhaceen qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen labada dhinac.
Guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo ka hadlay goobta ayaa kula dar daarmay dhallinyaradu in ay kordhiyaan cayaaraha
nuucaani oo kale ah ee lagu xoojinaya isdhexgalka bulshada.
Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa uga mahadceliyay cayaartooyda labada degmo, cayaar wanaag ay muujiyeen inta uu tartanku socday, waxaana uu intaa ku daray in tani ay qeyb weyn ka qaadan karto isdhexgalka bulshada.
Guddoomiye ku-xigeenka howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cilmi Cali oo ka hadlay halkaasi ayaa tilmaamay in tartamada cayaaraha kubadda cagta ay tahay mid lagu horumarin karo isdhexgalka bulshada iyo xoojinta amniga.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Cismaan Aadan Dhuubow oo soo xiray tartankaasi ayaa tilmaamay in dhallinyarada degmooyinka Waaberi iyo Dharkeenleey ay muujiyeen dadaal dheeri iyo cayaar wanaag, isagoo uga mahadceliyay intii soo qaban qaabisay tartanka lagu xoojinayay isdhexgalka bulshada.
_MG_8898

_MG_8899

_MG_8975

_MG_8979

_MG_8983

_MG_8985

_MG_8990

_MG_8992

_MG_9002

_MG_9003

_MG_9004