TARTANKA FUSTALKA ISDHAXGALKA DHALINYARADA GOBOLKA BANAADIR

TARTANKA FUSTALKA ISDHAXGALKA DHALINYARADA
GOBOLKA BANAADIR
NABAD DHOWRE (CUP)
Tartanka Ciyaaraha Fustalka ee Is dhex galka dhalinyarada Gobolka Banaadir ayaa ka furmay degmada H/wadaag, iyadoo Tartankan ay ka qeyb galayaan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.
Tartankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir, waxaana Tartankan loogu magac daray Nabad Dhowre Cup uu noqon doonaa mid qeyb weyn ka qaata is dhex galka bulshada iyo nabadda.
Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa sheegay in Tartanka uu ka qeyb qaadanayo is dhex galka dhalinyarada iyo nabada, wuxuuna ugu baaqay ciyaartoyda inay soo bandhigaan ciyaaro ku dheehan asluub wanaag.
Waxaa uu sheegay in Tartankan uu ka ballaaran yahay tartamo horay degmooyinka loogu qabtay oo ka koobnaa xaafado, balse Tartankan uu yahay tartan muddo soconaya oo ay ka qeyb qaadanayaan 17 ka degmo ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Gudoomiyaha degmada H/wadaag Axmednuur Cabdi Siyaad ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in tartankan lagu qabto degmadiisa, waxaana uu xusay in degmadiisa ay diyaar u tahay inay qaabilaan dhalinyarada ka socda degmooyinka Gobolka Banaadir inta uu socdo Tartankan.
Ugu dambeyn degmooyinka H/wadaag iyo Waabari oo lagu furay Tartankan ayaa waxaa guusha ku raacday degmada H/wadaag.
04

03

06

07

20150415_170219

02

01

20150415_170644

_MG_8899