Kulan Lagu Taageerayay Ololaha La Dagaalanka Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Kulan Lagu Taageerayay Ololaha La Dagaalanka Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Kulankani lagu qabtay Degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu taageeray Ololaha la dagaalanka Qaadka ee uu wado Abuukar Cawaale Qaad-diid, waxaana soo qaban qaabiyay kulankaasi Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, Dhalinyaro,haween, iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir C/kaafi Maxamuud Makaraan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ololaha la dagaalanka qaadka, islamarkaana ay la shaqeynayaan Abuukar Cawaale oo u istaagay Joojinta Qaadka, waxaana dhinaca kale uu ka sheekeeyay dhibaatada Dadka Soomaaliyeed uu ku hayo qaadka.
Guddoomiyaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir Qaasim Cabdulle oo isna ka hadlay kulanka ayaa xusay in ay soo dhaweynayaan ololaha la dagaalanka qaadka islamarkaana Degmada Boondheere ay ka hirgalinayaan barnaamijyo lagu wacyi galinayo bulshada qeybaheeda kale duwan.
Abuular Cawaale Qaad-diid oo mudooyinkanba ku mashquulsanaa la dagaalanka qaadka iyo sida bulshada looga wacyi galin lahaa oo isna hadal ka jeediyay halkaasi ayaa ka sheekeeyay dhibaatada xaga maskaxda ah iyo mida dhaqaale uu ku leeyahay Shaqsiga qaadka cuna, Isagoo sheegay in qaadka uu yahay Gumeysi casri ah oo hantida dadka Soomaaliyeed lagu guranayo, waxaana tusaale uu u soo qaatay wadamada dariska ah in uu ka baxo qaadka haddana aysan cunin dadkooda laakiin ganacsi ahaan ay u keenaan dalka islamarkaana dalkooda ay ku dhistaan malaayiinta Dolar ay Soomaaliya ka faa’idaan.
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa ku guubaabiyay Dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan joojinta Qaadka oo muhiimad gaar ah u leh Qoysaska Soomaaliyeed.
_MG_7941

_MG_7942

_MG_7945

_MG_7946

_MG_7948

_MG_7949

_MG_7950

_MG_7951

_MG_7953

_MG_7962_MG_7953