Guddoomiye Gobolka Banaadir oo koob guddoonsiiyay cayaartooyda degmada Boondheere “SAWIRRO”

Tartankan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa loo qabto 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, waxaana uu ahaa mid ka qeyb qaadanayay is dhex galka bulshada, dhiira gelinta dhalinyarada, iftiinka nabadda ka jirta Caasimadda Muqdisho iyo dib u soo nooleynta ciyaaraha

Guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa sheegay in tartankan loogu talagalay isdhexgalka bulshada, ayna joogteen doonaan tartamada nuucaani oo kale ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tartanka uu si guul ah ku soo dhamaaday, isagoo uga mahadceliyay dhamaan intii ka qeyb qaadatay tartankan.

“Maamulka gobalka banaadir ujeedkiisu waa in uu horumariyo is dhaxgalka bulshada iyo dhallinyarada oo la muujiyo doorkooda, soo gabo gabeynta tartankan waxa ay ku soo beegantay xilli maamulka gobolka uu labadii todobaad ee ugu dambeysay aan dhagax dhig ku sameynay qaar ka mid ah wadooyin bur bursan oo aan laami casri ah saareyno, tani waxa ay muujineysaa horumarka amniga iyo tan bulsho ee gobolka ka jirta” ayuu yiri Muungaab.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka qeyb galay daawashada ciyaartan Final-ka ayaa ku ammaanay Maamulka Gobolka Banaadir qabashada tartankan lagu dhiiri gelinayo isdhexgalka bulshada iyo dhallinyarada.

Wasiir kuxigeenka Isboorti Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa sheegay in Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga ay soo dhaweyneyso qabashada tartamada isboorti, isagoo hambalyo u diray cayaartooyda degmada Boondheere ee koobka ku guuleystay iyo kuwa degmada Waaberi ee kaalinta labaad galay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa guddoonsiiyay degmada Boondheere koobka, waxaana ka bilowday garoonka, farxad iyo damaashaad ay sameynayeen taageerayaasha Boondheere, waxaa kaloo shahaadooyin la guddoonsiiyay intii ka qeyb qaadatay socodsiinta Tartankan mudadii uu socday oo ay ku jireen Warbaahinta maxaliga ah.isboorti-6