DHALİNYARO SEE AH BAAN U BAAHANAHAY!!?

10414878_1694893330793857_8860803085875213731_n

Maanta bushadeenu waxay u baahantahay dhalinyaro hadaf cad, aragti dheer iyo dareen İslaamnimo, Soomaalinimo iyo mid Umaddeed leh kuna qanacsan dhulkooda hooyo diyaarna u ah iney wax waliba u huraan, dhalinyaro meel dheer wax ka arka oo ahdaaf qaran iyo mustaqbal ifaya sawiran kara kana shaqeeya, dhalinyaro sharaftooda, Calankoda iyo midnimadoodaba kor u qaada, dareensana howsha hor taala iyo sidii ay uga guul gaari lahaayeen, dhalinyaro garta guttana waajibaadkooda qaran, dhalinyaro aragtidooda iyo qorshayaashooda qaran ilaashan kara danta guudna aan gor-gortan ka galin, Dhalinyaro wax waliba ka dhex dhaca ka eega danta guud, Miisaanka kali ah ee ay wax ku cabirtaana uu yahay SOOMAALİNİMO.
Waxaan u baahanahay dhalinyaro aqoon iyo karti leh oo indheergarad ah intaana ay u dheertahay qiyamka, İslaamnimo, Soomaalinimo, qarannimo iyo bani’aadannimo.

Erayo waana ah oo uu tiriyay Alle ha u naxariiste Abwaan: Cabdi Muxumed Amiin

Dhallinyahay dhammaanteen xumaha ma iska dhaafnaaa?
Haa Haaaa
Dhallinyahay dhammaanteen samaha ma u dhaqaaqnaa?
Haa Haaaa
Dhallinyahay dhammaanteen dhulka ma u shaqeynaa?
Haaa Haaa
Dhallinyahay dhammanteen cududda ma isu dhiibnaa?
Haaaa Haa
Dhallinyahay dhammaanteen dheg-xumada ma diidnaa?
Haaa Haa
Dhallinyahay dhammaanteen dhigeen ma u ekaanaa?
Haaa Haaaa