Dhallinyarada Gobolka Banaadir oo Fariin udiray walaalahood ka tirsan Shabaab + Sawirro

Dood cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Hey’adda CCD ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen boqolaal dhalinyaro ka socday 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Dood cilmiyeedkan ayaa diirada lagu saaray sidii dhalinyarada u dagaalanta Al-Shabaab looga soo saari lahaa, isla markaana uga faa’ideysan lahaayeen cafiska dowladda u fidisay mudada 45-cisho ah.

Agaasimaha Xiriirka Bulshada ee Gobolka Banaadir C/casiis Goodax Barre oo furay dood cilmiyeedka ayaa uga mahad celiyay Hey’adda CCD dood cilmiyeedkan ay soo qaban qaabisay, isla markaana looga hadlayo danta dhalinyarada, mustaqbalkooda iyo sidii ay uga soo bixi lahaayeen ka mid ahaanshah Ururka al-Shabaab.

“Qaabab badan ayaa looga soo saari karaa dhalinyarada wali daba socda dadka nabad diidka ah, waxaana lagu soo gacan geli karaa in la wacyi geliyo, looguna baaqo jidka toosan si ay usoo o noqdaan”ayuu yiri C/casiis Goodax Barre.

Sidoo kale Agaasimaha Xiriirka Bulshada ayaa sheegay in dhalinyarada boqolaalka ee ka qeyb galay dood cilmiyeedka looga baahan yahay inay gaarsiiyaan saaxibadooda wixii ay barteen, si looga hortago in dhalinyarada si fudud loo marin habaabiyo.

“Boqolaalka dhlinyarada ah ee maanta dood cilmiyeedkan ka qeyb galaya meeqa saaxib ayay leeyihiin, waxaa la rabaa inay gaarsiiyaan fariinta ah wanaaga uu amniga leeyahay, wanaaga xornimada leeyahay qofka dhalinyarada ee la marin habaabiyay inay ku wacyi geliyaan inay ka soo baxaan al-Shabaab”ayuu yiri Agaasimaha Xiriirka bulshada ee Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in dhalinyarada ka bar bar dagaalamaysa Al-shabaab inay ka faa’ideystaan mudada afartan iyo shanta cisho ee ay siisay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

“Maanta fursad afartan iyo shan cisho ah ayay heystaan taasoo dowladda u qabatay, walina fursadaas waa taagan tahay, haka faa’ideystaan, kuwii yaqaana taleefano ha u direen, haloo sheego in magaalada nabad ka jirto, hadii isa soo dhiibaan si wanaagsan loola dhaqmayo”ayuu yiri Agaasimaha Xiriirka Bulshada C/casiis Goodax Barre.

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir C/kaafi Maxamuud Makaraan oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in magacii dhalinyarada ee lumay loo baahan yahay in la soo celiyo, isla markaana meesha laga saaro muuqaalka xun ee lagu bartay dhalinyarada oo ah kuwo laga cabsado xilligan.

“Magacii dhalinyarada ee lumay waa in la soo celiyo, maanta waxay joogtaa in dhalinyarada laga cabsado, intaas la suuliya ayaa la rabaa oo la qiro doorka dhalinyarada ay leeyihiin, Soomaaliya bersimaadkii waxaa loo yiqiin libaaxyada Afrika, magacaas ayaa laga rabaa in dhalinyarada ay dib usoo celiyaan”ayuu yiri Makaraan.

Gudoomiye Makaraan ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay garab siiyaan Dowlada,isla markaana ay la shaqeeyaan, sidoo kale dhalinyarada la qalday ee ka tirsan Al-Shabaab ayuu ugu baaqay inay dib u soo noqdaan oo dadkooda iyo dalkooda ay usoo laabtaan.

Sidoo kale waxaa dood cilmiyeedka ka hadlay Gudoomiyaha dhalinyarada degmada Hodan kaasoo sheegay in loo baahanyhaya in la badbaadiyo mustaqbalka Dhallinyarada duurka ku jirka ah ee Al-shabaab lumiyay.

Waxaa kaloo dood cilmiyeedka ka hadlay qaar ka mid ah dhalinyarada degmooyinka kuwaasoo muujiyay inay muhiim tahay in dhalinyarada loo sameeyo xirfado ay shaqooyin ku abuuran karaan, lana siiyo waxbarasho dalka gudihiisa iyo dibadiisa ah, si ay dalkooda wax ugu soo bartaan, horumarna u gaarsiiyeen.

Ugu dambeyn dhalinyaradii ka socotay 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa is weydaarsaday fikrado iyo talooyin ku saabsanaa in la joogteeyo kulamada ceynkan oo kale ah, si dhalinyarada aqoon kororsi badan ugu hesho, loogana hortago in dhalinyarada la marin habaabiyo.

DSC00001 DSC00009 DSC00018 DSC00029 DSC00058 DSC00112 DSC09856 DSC09871 DSC09877 DSC09901 DSC09911 DSC09913-618x463 DSC09950 DSC09964 DSC09974 DSC09990 DSC099301